Thursday 7 July 2016

Saddex qodob oo Muuse Biixi ,Kumutaysanayo in Doorkan Madaxwayne Loo doorto Haddii saxiibkii Silaanyo darka u banneeyo.

 Go’aankiisa  oo ku eg in cid aan madaxwayne Silaanyo ahayn aanu uga tanaasulin Jagada Ugu Saraysa dalka Iyo  qalin daarka siyaasiyiinta ay qaraabada yihiin.


In Somaliland ay aqoonsi buuxa kahesho Aduunka , ayaa ahaa qodobka ugu horeeya ee muhiimadda koobaad lasiiyo tan iyo markii ay dib ula soo noqotay gobanimadii godka madaw kudhacday lixdanaadkii oo iminka ku eg muddo 24 sano ah.


Gobanimadu, waa mid  dhiig badani kudaatay . Boqolaal geesi oo ilaa iyo hadda aan quluubta muwaadiniinta kabixin, ayaa kunafwaayay halgan dheer oo aad loogu hoobtay  hadafkiisuna ahaa in dib gacanta loogu dhigo xuduudka badda iyo berigaba ah ee  shacabaka Somaliland ay kala wareegeen gumaystihii Africa ka guuray  qarnigii 19aadoo isagu gacantiisa ku calaamadiyay soohdinaha  Somaliland lawadaagto wadamada  Ethiopia, Somaaliya iyo Djibouti. 

Dagaal yahanadii SNM iyo militerigii Siyaad Barre, oo baryahaa loo tixgaliyo cududda koobaad ee qaaradda Africa , islamarkaana cid iska daafacda mooyaane  aanay jirin cid daandaansata, ayaa dagaalkan birta iska aslay oo arinku uu noqday in midkii roonaad reerka uhadho.

Quwad  iyo dhaqaale ahaanba labadu (SNM iyo Ciidankii Siyaad Barre) inta Cirka iyo Dhulku isu jiraan, ayay isu jireen, hase ahaatee go’aanka  nafhurnimada ah ee halgamayaashu goosteen iyo weerarradii  qaabka  goriilaha ahaa  ee SNM labeegsan jirtay ciidamaddii faqashta, ayay kadhalatay guusha maanta Somaliland ku Nabad iyo caanoba maasho ee abuurtay jawiga uu siyaasi aan habeen qori qaadani  si kalsooni leh  fagaaraha siyaasadda kula doodi karo ragga wali dhegahooda aykasii baxayaan dayaanka hubkii cuslaa, guuxii dabaabaddaha iyo diyaaraddihii sida arxandarrada ah uga rushaynayay shacabka Somaliland magaalooyinka iyo meelaha baadiyaha ahba, islamarkaana ay isku laba rogayaan maskaxdooda muuqaalada dhiigii shacabka iyo guutooyinkii  mujaahiddiinta  ahaa  ee ku le’ day hawlgalladii indho la,aanta ahaa ee ay gudaha ugu galeen magaalooyinka dalka, kuna  muquuniyeen meleterigii xoogga badnaa ee Siyaad Barre si dhidibada loogu taago qaranka Somaliland oo markaa kahor, ahaa riyo in lagaadho  ay kugudbantahay geerida geesiyadii u nafwaayay iyo waddadii qadhaadhayd ee inta aan wadkoodu galini u soo mareen dawladnimada hadda Somaliland isku maamusho.

Uma qalanto taariikhda halgankaasi, in aan kaga qisoodo qoraalkaygan kooban hase ahaatee midhka aan u socdo, ayaa ah in ummadda Somaliland aanay wali aqoonsan ninka kamudan maamuuska iyaga oo aqoonsi  ka raadinaya beesha caalamka.

Waa marka koobaade, haldoorka  halgankaa iyo tariikhdaa dahabka ah huwan , ayuu kamid yahay Muuse Biixi  Cabdi. Talabaadana , haddii saxiibkii Axmed Maxmed Maxmuud (silanyo), madaxwaynaha hadda taladad dalka hayaa uu sooyaalka siyaasaddiisa kusoo xidho 2017, waxuu noqonayaa musharax kaliya khubaddiisa ay qurxidoonta tusaalyaasha duuruufihii qalafsanaa iyo dagaaladii dalka lagu xoreeyay oo kumeeraysan maayo sheekooyin habar waliba shaahid ka ahayd oo dhacay 25kii sano ee caanaha iyo liinta lacabayay nabadadana lagu raxaysanayay. Marka saddexaadna, waa nin lexejecel o wayn kaga jirto dalkan,waxaan taasi kamuuqataa tanaasulaadka tirada badan iyo samirka uu kabartay saaxiibkii Axmed Siilanyo , oo umuuqda in uu yahay macalinkiisa siyaasaddii halgan iyo tahadda ee dumuquraadiga ahba.  
   ,

Waxaa in taas oo dhan udheer ,waa siyaasi hal adaygleh oo aan lagabanayn go’aan kiisa in uu ku deg dego mooyaane, dalkana horumar gaadhsiin kara haddii uu xusho gole wasiirro ah oo  aqoon iyo waayo aragnimo dheer u leh maamulka iyo milgaha dawladnimada islmarkaan musuq maasuq iyo qabyaaladiba ay ka caagan yihiin.